Salaadaha midkaan xaadirin een Eebbe ka xishinoonin
Xaglihiisa weysada midkaan ku xardhin eyn muuqan
Xadhiggii Ilaahay midkaan xajisan een haysan
Xiqdigiyo midkii aan ka hadhin xumaha shaydaanka
Wixii laga xarrimay iyo midkaan garanin xaaraanta
Sujuudaha midkaan ku xasilayn abid ha xaalleynin
Nooluhu in uu xoogsado uu xoolo badan yeesho
Waa xeer u yaal aadamaha xaal u joogaba´e
Ha yeeshee kuwaa xeelad badan oon sakaba xaaleyne
Hantidana xalaal bay u tahay baahanena xoolo
Bakhayl aan xil saarneynse waa xoolohoo kale é
Xaalkaa midkaan kula fahmayn abid ha xaaleynin
aaraan cun weeyaan midkaan soon xajinihayne
Xalaal quute maahee ninkaa oonta xaday soonka
Ee xadkii Ilaahay u dhigay ka xarragoon waayey
Xaqdarrada midkaa doortay ee xumaha caadeystay
Faadirkaa xumaanta u qastiyee xeradii weydaartay
Xadhko goyska beenaalaha ah abid ha xaalleynin
Xashku waajib weeyee midkaan xaramka aadeynin
Midkaan diinta xoog siinin een xarafka raacaynin
Xaqa Eebeheen nagu xukumay kaan xafidihaynin
Xumaantoo dhan kaan ka xarmaneyn xaashe iyo yaabe
Xaramkii Ilaahay midkaan rabin inuu xaasho
Xumaan baa u laabane ee midkaa abid ha xaaleynin
Xaqii waalid ruux aan gudayn een xurmo aqoonin
Hooyadii xanjaadka ku sadday ee xaynka u adkaysay
Xamilqaadkii uurkii markay xanaf wareereysay
Iyo aabbihiii xoogga iyo xooloba ku beelay
Ee dartii intuu xadhig u galay jeelna lagu xuuray
Xusuustaa midkii aan lahay abid ha xaalleynin
Midka deriska aan wada xurmayn xaafadaha jaarka
Xigto iyo midkii aan aqoon gacalka xeerkiisa
Xeer beegtida la soo xulo midkaan lagu xisaabaynin
Xayawaan sidiisii midkaan cidiba xaalleynin
Midka samaha aan xoojineyn nololi waa xeere
Intii adiga lagu xaman lahaa abid ha xaalleynin
Xamasta iyo carruurtii midkaan kula xannaaneynin
Waa xafiiltan noloshu´e midkaan u xusul duubaynin
Ee aan u soo xoogsaneyn una xammaleynin
Xurmo daranayaal baa jira aan ubadba xaaleyne
Adoo xuuralcayn u eg intaad noqon lahayd xooshka
Kelidaa intaa xiiqi lahayd kanna ha xaalleeynin
Xuun iyo shinoo kale midkii goor walba xanaaqsan
Markuu soo xeroodaba midkii hadal xun uun sheegi
Xurguf aan dhammaan iyo xasarad joogta subax noolba
Xaalkiisa lama bixini karo waa xujiyo yaabe
Xilligaba midkaa aan la socon laga xawaareeyey
Xasaasiyad intaad qaadi lahayd abid ha xaalleynin
Midka xeesha badan ee wax uun kala xasaynaaya
Wax uunbaa u xeebane midkaa uurka kaa xidhaya
Xogtiisaba midkii anad helayan xaal kastuu joogo
Xumaan iyo samaan ruux midnaba anan ku xaalleynin
Nimaan xeel baxayn waa addoon laga xumaadaaye
Xabaashaa warkeed aanad helayn abid ha xaalleynin
Midka xilo bilaalka ah ee hablaha guurka ku xumeeya
Xayeysiiska iyo beentu waa xaal u gooniya é
Xiisaha intuu kuu qabuu xaami kuu yahay´e
Xilma saarna weeyee intaanu meel xun kugu xuurin
Xannibaad intaad gali lahayd murug xanuun weyn leh
Xujo badanahaa godolaha ah abid ha xaalleynin